Jimco, October 10, 2025 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo garab ka heleysa hay’adaha gargaarka caalamiga ah ayaa galinkii dambe ee Shalay magaalada Muqdisho kasoo dejisay 148 qof oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed.
Muwaadiniintaan ayaa laga soo celiyay magaalooyin ka tirsan dalka Yemen oo la sheegay iney ku dhibaateeysnayeen, waxayna isugu jiraan rag, dumar iyo caruur aad u yar yar oo ay halkaasi ku dhashay.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo uu hormuud u ahaa Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay muwaadiniintaan dalka dib loogu soo celiyay oo ay keentay diyaarad si gaar ah loogu soo kireeyay oo si toos ah uga soo baxday Yemen.
Talaabadaan dib u soo celinta ah waxaa si wada jir ah isaga kaashaday Guddiga Qaranka ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed (NCRI) iyo hay’adaha caalamiga ah, oo ay ku jiraan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo garoonka Aadan Cadde kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalal ka mid ah dunida.
"Waxaan ku faraxsanahay inaan dalka ku soo dhaweeyay dad Soomaaliyeed oo ku dhibana meelo ka mid ah dalka Yemen, dowladda waxay damaanad qaadeysa nolosha muwaadiniintan maanta soo gaaray Muqdisho, gaar ahaan meel ay dagaan, waxay cunaan iyo waxay xertaan inta ay si toos ah uga gaarayaan deegaanadooda, waxaan sido kale ku faraxsanahay in dadkaan ay doorteen in dalkioda dib ugu soo laabtaan maadama ay heli wayeen waxii ay ka filanayeen meelaha ay tageen" ayuu yiri Wasiir arrimaha dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali.
Ugu dambeyntii dalka Yemen ee dib looga soo celiyay muwaadiniintan waxaa muddo sanado ah ka socday colaado adag, taasoo keentay in dad badan oo Soomaali ah halkaas kala kulmaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah.