10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 10, 2025
Puntland oo difaacday heshiiskii ay la gashay Somaliland
 

Jimco, October 10, 2025 (HOL) - Puntland ayaa difaacday heshiiskii dhawaan ay la gashay Somaliland, kaas oo sababay doodo iyo mucaarad xooggan oo ka dhashay gudaha Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor ayaa heshiiskaas ku tilmaamay inuu ku yimid aragti dheer oo looga gol leeyahay in Soomaaliya mustaqbalkeeda lagu dhiso, isla markaana lagu xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Mr. Lugatoor ayaa sheegay in Puntland iyo Somaliland ay marar badan horey u yeesheen iskaashi iyo wadashaqeyn, isagoo xusay in heshiiskan cusub uusan ka duwanayn kuwii hore, balse ay jiraan dad si qaldan u fasiray ama si siyaasadeysan u dhaliilay heshiiska.

“Arrinta Ceerigaabo waxay tusaale u tahay sida wadashaqeyntu nabad ku dhalin karto. Soomaaliya si ay u noqoto qaran mideysan, waxaa loo baahan yahay in laga shaqeeyo danaha guud ee la wadaago,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenku.

Wuxuu intaas ku daray in madaxda iyo maamullada dalka laga rabo inay dhiirrigeliyaan wada-shaqeynta, maaddaama shacabka Soomaaliyeed ay weli la daalaa dhacayaan xaalado barakac iyo colaado soo jiitamayay, isagoo tusaale u soo qaatay dadkii ku barakacay colaadda Ceerigaabo, kuwaas oo haatan daadsan Badhan, Dhahar iyo Taleex.

Dhawaan, qaar ka mid ah xisbiyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa si adag uga horyimid is-afgaradkaas, iyagoo ku tilmaamay mid ka hor imaanaya dastuurka Puntland iyo danaha shacabka reer Puntland, ayna u arkaan tallaabo dhaawaceysa midnimada Soomaaliya.