Jimco, October 10, 2025 (HOL) - Golaha Wasiiradda maamulka Jubbaland
ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo uu shirguddoomiyay
Madaxweynaha maamulkaas Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa digniin
adag loogu diray dowladda Federaalka.
Warsaxafadeed laga soo saaray kulanka Golaha Wasiiradda Jubbaland ayaa loogu digay dowladda Fedaraalka Soomaaliya iney joojiso faragelin ay ku haysto gobolka Gedo.
Warka kasoo baxay golaha Wasiiradda Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in faragelinta dowlada Federaalka ee gobolka Gedo ay sababi karto colaad hor leh iyo isku dhacdyo keeni kara khasaarooyin kala duwan.
"Golaha Wasiirrada ayaa dood dheer ka yeeshay faragelinta sharci-darrada ah ee Dowladda Federaalka ay ka waddo deegaanada Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, taas oo laga digay in ay sababi karto colaado hor leh iyo isku dhacyo keeni kara khasaare kala duwan" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay kulanka Golaha Wasiiradda Jubbaland.
Digniintan kasoo baxday Jubbaland ayaa kusoo aadeysa, maalmo kaddib markii uu natiiijo la’aan kusoo dhammaaday kulan wadaxaajood ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo, kaasoo ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Maalmo kadib kulankaas, Taliyaha ciidanka hay'adda Nabad sugidda iyo xasilinta ee gobolka Gedo Cabdirashiid Janan, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay qorshaynayso
inay maamul ka dhisto gobolka Gedo, si loo dhiso Jubbaland cusub oo aan
ahayn tan uu Axmed Madoobe hoggaamiyo.
Illaa hadda lama hubo sida uu qorshahaan cusub u hirgeli karo iyo saameynta uu ku yeelan doono gobolka Gedo.