10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 10, 2025
Madaxda Gobolka Sanaag oo diiday eedeymaha AFRICOM ee ku saabsan dilka Caaqil Cumar Cabdillaahi

Jimco, October 10, 2025 (HOL) -  Madaxda sare ee ciidamada, booliska, nabad sugidda iyo maamulka gobolka Sanaag ayaa si adag u diiday eedeymaha loo jeediyay Caaqil Cumar Cabdillaahi Cabdi, oo lagu dilay duqeyn Mareykanku ka fuliyay gobolka bishii September, iyagoo ku tilmaamay dilkiisa mid xaq darro ah oo aan wax sal iyo raad lahayn.

Caaqil Cumar, oo ka mid ahaa nabadoonnada ugu waaweyn ee gobolka Sanaag, ayaa lagu dilay 13-kii September 2025 deegaanka Jicanyo, oo ku dhow degmada Ceel Buh. Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa markii dambe sheegay in weerar uu ka fuliyay deegaanka lagu bartilmaameedsaday qof ay sheegeen inuu ka mid ahaa ganacsatada hubka ee kooxda Al-Shabaab, balse ma aysan shaacin magaca qofka la duqeeyay. Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in goobta iyo waqtiga duqeyntu ay dhacday ay si buuxda ugu beegantahay halka lagu dilay Caaqil Cumar Cabdillaahi.

Feysal Cabdillaahi, taliyaha nabad sugidda gobolka Sanaag, ayaa sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid lama filaan ah. “Dhacdadii ka dhacday 13 September 2025 inta u dhaxeysa Ceel Buh iyo Baran ee gobolka Sanaag waxay ahayd dhacdo anaga nagu cusub, dhacdo noocaasi ah kama dhicin inta aan ogahay. Qof gaarigiisa iska wata oo la duqeeyay, waxay nagu noqotay argagax, anaga oo masuuliinta ah xitaa waan garan weynay waxa aan uga jawaabno maxaa yeelay waxaa la yiri cirka ayaa laga soo duqeeyay. Masuul aan ahaado, laakiin xaga dhaqankana waan ka tirsanahay, waan soo wada shaqeynay marxuumka iyo aabihii. Marxuumka wuu ahaa haldoorka bulshada ee muuqda,” ayuu yiri Feysal Cabdillaahi.

Wuxuu sheegay in aan la garan sababta dilka ka dambaysay. “Ma garan karno waxa lagu dilay, mana ahan wax aan fahmi karno. Wax arimo argagixiso oo loogu tuhmayay iyo meel lagu dacweeyay anaga ma maqal. Hadda marka dadka ay maqlaan guux diyaaradeed waxay yiraahdaan waa nala dul joogaa. Waxaan rabnaa in la faahfaafiyo sababta lagu dilay iyo cida laga soo raacay,” ayuu raaciyay Feysal Cabdillaahi.


Taliyaha qeybta sagaalaad ee ciidamada Daraawiishta gobollada Sanaag iyo Hayland ee Puntland Sareeyo Guuto Cabdillaahi Cumar Canshuur iyo Taliyaha qaybta Booliska gobolka Sanaag, G/sare Aadan Axmed Cali

Sareeyo Guuto Cabdillaahi Cumar Canshuur, taliyaha qeybta sagaalaad ee ciidamada Daraawiishta gobollada Sanaag iyo Hayland ee Puntland, ayaa sheegay in uu si fiican u garanayay Caaqilka. “Waxaan aqoon isku laheyn Caaqil Cumar muddo dheer oo aan kasoo wada shaqeynay dhinca badda ilaa 80-meeyadii. Wuxuu ahaa nabad doon aad looga yaqaanay deegaanka. Waxaan ku ogeyn inuu ka shaqeeyo arrimaha bulshada, wuxuu kamid ahaa ragii 1992 la dagaalamay Al-Shabaab, hadda wuxuu difaac kula jira Puntland dagaalka hadda socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish. Beesha ugu dhimashada badan dagaalka lagula jiro kooxahaasi ayuu nabad doon u ahaa. Ciidanka dhimanayay wuxuu ahaa nabadoonkooda,” ayuu yiri Canshuur.

Wuxuu sheegay in dilka uu ahaa mid sharci darro ah. “Caaqilkaasi waxaa lagu dilay sifo sharci darro ah oo xaq darro ah. Mudo 20 maalmood ah wuxuu joogay Boosaaso wuxuuna la fadhiyay Madaxweyne Siciid Deni, hadii uu dambiile ahaa waa la qaban lahaa, oo hadii anaga naloo sheegi lahaa waan qaban lahayn. Waxaan u arkaa in si kutala gal ah loo dilay. Keligiis ayuu gaariga watay markii la dilayay. Duqeyntaasi waxay dhalisay buuq, kacdoon iyo amni darro oo deegaanka soo wajahday. Waxaan jecelnahay in naloo soo cadeeyo sababta dilkiisa,” ayuu yiri Sareeyo Guuto Cabdillaahi Cumar Canshuur.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Sanaag, G/sare Aadan Axmed Cali, ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Caaqilka ay ahayd mid aan la garan cida geysatay ilaa AFRICOM ay sheegatay.

“Mudo toddobaad ah waxaa la weysanaa cida geysatay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar Cabdillaahi, kadib waxaa sheegtay oo report aad u kooban soo saaray AFRICOM, iyagoo aan caddeyn qofka ay dileen, magacna aaney sheegin. Taariikhda duqeynta iyo goobta lagu dilay Caaqilka ay is leeyihiin waxaa caddaatay in Caaqilka ay dileen ciidanka Mareykanka. Wuxuu Caaqilka ahaa nin caan ah oo ma ahayn nin qarsoon, ma ahayn qof la raadinayay oo keymaha ku jiray oo la waayay oo sidaasi darteed black list ku jiray. Wuxuu ahaa dadka ugu horeeyay nabad gelyada bulshada iyo odayaasha dhaqanka. Wuxuu ahaa nin si dhow ula shaqeeya dowlada iyo cadaalada,” ayuu yiri Aadan Axmed Cali.

“Haddii aan nahay laamaha amniga waxaa cadeyneynaa in ninkaasi uusan aheyn nin argagixiso ah oo la raadinayay oo suuroobi karta in saddex gantaal lagu dhufto isagoo gaarigiisa wata. Maadaama uu ahaa nin weyn, bulshada kacdoon ayey sameeyeen, waxaa laga rabaa Mareykanka inay cadeeyaan sababta ay u dileen nabad doonka. Waxaan ku baaqayaa in dowlada Mareykanka ay jawaab cad ka bixiso,” ayuu yiri Taliyaha qaybta Booliska gobolka Sanaag G/sare Aadan Axmed Cali.


Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Siciid Axmed Jaamac

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Siciid Axmed Jaamac, ayaa isna sheegay in Caaqil Cumar uu ahaa haldoor bulshada dhexdeeda caan ah. “Caaqil Cumar Cabdillaahi wuxuu caan ka ahaa gobolka, xaliyana xaalad kasta. Waan la soconay xaaladiisa. Wax dambi ah oo naloo sheegay ama aan aniga ku ognahay ma jirto. Wax eed ah ama dambi ah oo uu lahaa Caaqilka nalooma sheegin haddii aan nahay maamulka gobolka. Wax xan ah oo isaga ka dhan ah xitaa ma hayno. Wuxuu ahaa haldoor ka shaqeeyay arrimaha horumarka gobolka iyo isku xirka dowlada iyo bulshada. Wuxuu muddooyinkii dambe ka shaqeynayay xalinta arrimo dagaal dhacay. Mareykan ayaa sheegtay dilka, waxaan ka sugeynaa inuu faahfaahin ka bixiyo. Bulshada iyo anigaba ma hayno wax xog ah oo ku saabsan dilkiisa iyo sababta ka dambeysa,” ayuu yiri Siciid Axmed Jaamac.

“Anaga haddii aan nahay maamulka gobolka, waxaan cadeyneynaa in Caaqilka uu nala shaqeyn jiray, aadna aan ugu qanacsaneyn, waxaan sugeynaa inuu cadaalad helo,” ayuu yiri Siciid Axmed Jaamac, guddoomiyaha gobolka Sanaag.

Diidmada madaxda amniga iyo maamulka gobolka Sanaag ayaa kusoo beegantay xilli bannaanbaxyo iyo kulamo isdaba joog ah ay ka socdaan gobolka iyo sidoo kale deegaano ka tirsan Puntland. Madaxda iyo ehellada marxuumka ayaa dalbanaya caddeymo iyo faahfaahin ku saabsan sababta dilka Caaqilka, iyagoo ku baaqay in dowladda Mareykanka ay si cad uga jawaabto dhacdadan.


Cali Cabdillahi Cabdi Ibrahim, walaalka ka weyn marxuumka, oo ka hadlay goobtii lagu duqeeyay oo laga dhisay taalo.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa tobannaan sano ka fuliyay duqeymo gudaha Soomaaliya oo lagu beegsanayo dagaalyahannada Al-Shabaab iyo Daacish. AFRICOM waxay sheegtaa in weerarrada si taxadar leh loo qorsheeyo si looga fogaado waxyeellada shacabka, hase yeeshee mas’uuliyiinta Soomaaliyeed iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa si joogto ah u dhaliila daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka. Baaritaanno madax-bannaan ayaa mararka qaarkood muujiyay in dad rayid ah oo aan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ay waxyeelo kasoo gaarto.