Sabti, October 11, 2025 (HOL) - Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Jubbaland ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay si kulul ugu cambaareeyeen waxa ay ku sheegeen damac siyaasadeed oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayo in lagu wiiqo nidaamka Federaalka iyo maamulka Jubbaland.
War-saxaafadeedka oo si adag u dhaliilaya Madaxweynaha, ayaa xusay in la helay xog ku saabsan in Xasan Sheekh Maxamuud uu wado qorsheyaal lagu faragelinayo maamulka Jubbaland, taasoo ujeedkeedu yahay in la burburiyo nidaamka dowlad goboleedka Jubbaland.
Xildhibaannadu waxay sheegeen in Madaxweynaha uu dib u bilaabay dhaqamadii muddadii xilheyntiisa hore ee 2012–2017, xilligaas oo ay dhacday faragelin uu ku sameeyay deegaano badan oo ka tirsan Jubbaland, taasoo keentay khasaare naf iyo maalba leh.
Waxay si gaar ah uga digeen, In uu wado duullaan ciidan iyo faragelin siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka Jubbaland, In la wiiqo awoodda Maamul Goboleedka Jubbaland iyadoo la abuurayo maamul cusub.
Sidoo kale mudanayaashaan ayaa sheegay in Dowladda ay wado kicinta colaado beeleedyo si loo wiiqo wadajirka bulshada iyo in ay ciidanka qaranka u adeegsato dagaal siyaasadeed.
Ugu dambeyn, xildhibaannadu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada kale in lagu xalliyo khilaafaadka taagan si wadahadal ah, loona midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAR SAXAFADEEDKA IYO MUDANAYASHA KU SAXIIXAN.