10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 11, 2025
Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo digniin ka soo saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka
 

Sabti, October 11, 2025 (HOL) - Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa digniin adag kasoo saaray in la isticmaalo Calaamadaha, Gaadiidka iyo waxyaabaha u gaarka ah ciidamada qalabka sida si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska ayaa si gaar ah loogu digay dadka ku hawlan isticmaalka ama xiran calaamadaha, darajooyinka, iyo agabka kale ee gaarka u ah ciidamada.

Waxaa sidoo kale Warsaxaafadeedka lagu sheegay in qof kasta oo lagu qabto isagoo si sharci daro ah u adeegsanaya dareeska, astaamaha ama darajooyinka ciidanka in laga qaadi doono talaabo adag oo waafaqsan xeerarka ciidamada iyo sharciga dalka.

Digniintaan kasoo baxday Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay dhawaan soo bandhigtay gaari ciidan oo loo adeegsaday weerarkii kooxda Al-shabaab ka geysatay Godka Jilicow ee Magaalada Muqdisho.

Wixii ka dambeeyay weerarkii Godka Jilicow laamaha amaanka magaalada Muqdisho ayaa bilaabay hubinta Gaadiidka ciidanka dowladda, kadib amarkii kasoo baxay Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ee la ahaa in la baaro dhamaan gaadiidka ciidamada.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Taliska ciidanka Xoogga dalka oo dhameystiran:-