10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 11, 2025
Trump oo waayay Abaalmarinta Nabada Adduunka iyo Aqalka Cad oo si cadho leh uga falceliyay
 

Sabti, October 11, 2025 (HOL) - Madaxweynihii Maraykanka Donald Trump ayaa seegay abaal-marinta caalamiga ah ee Nabadda ee Nobel Peace Prize, isla markaana Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa si cadho leh uga falceliyay, iyaga oo sheegay in Trump uu xaq u laha in la siiyo abaalmarinta.

Abaal-marintan sanadkan waxaa la guddoonsiiyay hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela, María Corina Machado, taasoo lagu ammaanay “dadaalkeeda geesinimada leh ee ay ugu jirto dimuqraadiyadda iyo isbeddel nabadeed oo ka dhaca dalkeeda.” Machado, ayaa sheegtay in ay abaal-marinta u hibeeysay dadka Venezuela iyo Madaxweyne Trump, iyada oo ay sheegtay in uu taageero wayn u muujiyay dadka dalkeeda ee kasoo horjeeda dowlada xukunka haysa.

Trump oo la hadlay saxaafadda guriga cad ayaa sheegay in Machado ay soo wacday isla markaana ay u sheegtay in ay abaal-marinta “ku aqbashay isaga dartii"  iyada oo sheegtay in uu si dhab ah u garab istaagay nabadda iyo dimoqraadiyadda.” Trump oo qoslaya ayaa yidhi: "Maan odhan waayahe dee abaalmarinta igu soo wareeji, waxay ahayd gabadh aad u wanaagsan."

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Aqalka Cad ayaa si cadho leh uga falceliyay natiijada markii hore, iyadoo agaasimaha isgaadhsiinta Steven Cheung uu sheegay in guddiga Nobel Peace Prize“ay siyaasadda ka hormariyeen nabadda,” kadib markii abaal-marinta ay siin waayeen Trump, xilli maamulka Trump uu ka shaqeeynayo heshiiska xabbad-joojinta ee Qasa.

Machado waxay muddo dheer mucaarad ku ahayd Madaxweyne Nicolás Maduro, halka maamulka Trump uu si joogta ah u cambaareeyo xukunkiisa kali-talisnimo. Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, oo horey u ahaa senatar, ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii soo jeediyay in abaalmarinta la siiyo Machado bishii Agoosto 2024, isagoo sheegay in ay muujisay geesinimo.

Trump, oo muddo dheer ka hadli jiray rabitaankiisa ah in uu helo abaalmarinta Nobel-ka, ayaa sheegay in uu ka shaqeeyay “joojinta dagaallo badan” iyo “dhiirrigelinta nabadda adduunka.” Balse guddiga Nobel Peace Prize ayaa sheegay in Machado ay ku mutaysatay abaalmarinta dadaalkeeda ay ugu jirto horumarinta dimuquraadiyada.

Dhanka kale, hoggaamiyeyaasha caalamka qaarkood ayaa si cad u sheegay in Trump la duudsiyay. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku qoray baraha bulshada in Trump uu nabada ka shaqeeyo, halka madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenko uu ku tilmaamay go’aanka guddiga mid “ahmaqnimo ah.”

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo taageeray heshiiska xabbad-joojinta ee Qasa, ayaa sheegay in “Trump uu wax badan qabtay si uu u xalliyo khilaafaadyo muddo dheer jiitamay,” isagoo si dadban u dhaliilay guddiga Nobel Peace Prize. Trump ayaa dhankiisa ugu mahadceliyay Putin fariin uu ku daabacay Truth Social, isagoo leh, “Mahadsanid Madaxweyne Putin!” ayuu yidhi.

Inkasta oo Trump uu isku arkayo hoggaamiye nabadeed, haddana siyaasiyiin iyo falanqeeyayaal badan ayaa ku eedeeyay inuu “ku ciyaarayo awoodda Maraykanka” isagoo adeegsanaya cadaadis ganacsi iyo millatari si uu u gaadho dano siyaasadeed. Siyaasaddiisa gudaha ee masaafurinta soogalootiga iyo in uu ciidamada Maraykanka geeyay magaalooyinka waa wayn ayaa dhalisay dood.