Sabti, October 11, 2025 (HOL) - Somaliland ayaa soo dhaweysay doorka uu Madaxweyne Donald Trump ka qaatay heshiiska xabbad-joojinta iyo sii daynta maxaabiista ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, kaas oo ay soo dhaweeyeen badi madaxda caalamka.
Maalmo wadahadallo adag ah kaddib, Madaxweyne Trump ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay in Israa’iil iyo Xamaas ay gaadheen wajigii koowaad ee qorshihiisa nabadeed ee Qasa. Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in xabbad-joojintu ay dhaqan gashay 12:00 duhurnimo wakhtiga maxalliga ah (10:00 BST) maalintii Jimcaha, isla markaana ay bilaabeen inay ciidamadooda kala baxaan qaybo kamid ah marinka Qasa.
Wajiga koowaad ee heshiiskan nabadeed ayaa la filayaa inuu ka koobnaado sii daynta 20 maxbuus oo Israa’iiliyiin ah oo nool, iyo sidoo kale soo celinta meydadka kuwii la dilay, iyadoo lagu beddelayo in ka badan 250 maxbuus oo Falastiini ah iyo 1,700 qof oo laga sii daayo xabsiyo ku yaalla Qasa.
Sidoo kale, gargaarka bani’aadamnimada ayaa geli doona Qasa, halka wadahadallada marxaladaha xiga ay sii socon doonaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa war ay ku daabacday barta X (Twitter) ku tidhi: “Jamhuuriyadda Somaliland ay soo dhoweynayso doorka Madaxweyne Donald Trump ee dhexdhexaadinta heshiiska xabbad-joojinta iyo sii daynta maxaabiista Qasa. Waa tallaabo muhiim ah oo lagu gaadhayo nabad iyo xasillooni waarta."
"Waxaan bogaadinaynaa hoggaamintiisa iyo dadaalkiisa ku aaddan dhiirrigelinta wadahadalka iyo wada noolaanshaha.”
Dhanka kale, hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa isna amaanay hindisaha nabadeed ee uu hoggaaminayo Trump, isagoo yidhi: “Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Trump dadaalka uu ku bixiyay qorshahan nabadeed iyo in ay Xamaas aqbashay. Waa tallaabo sax ah oo loo qaaday dhanka nabadda. Dagaalku waa inuu istaagaa, nabad waarta oo cadaalad ahna waa in la gaadhaa.”
Somaliland ayaa isu diyaarinaysa in ay noqoto xulufo uu Maraykanku ku leeyahay gobolka, iyada oo si joogta ah u taageerta siyaasadaha Madaxweyne Trump, iyada oo naawilaysa in Maraykanku uu aqoonsan doono jiritaankeeda.