Sabti, October 11, 2025 (HOL) - Hay’adda Socdaalka Soomaaliya ayaa shaacisay daahfurka qandaraas caalami ah ee lagu soo saarayo Baasaboorka Jiilka Saddexaad ee Soomaaliyeed, kaas oo noqon doona mid elektaroonik ah (e-passport), ka samaysan, isla markaana buuxin doona sida la sheegay heerarka tayada iyo amniga ee ay dejisay Hay’adda Duulista Caalamiga ah (ICAO).
Tallaabadan ayaa qayb ka ah sida hay’addu sheegtay, dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda, iyadoo la adeegsanayo Qaabka Bahwadaagga Dowladda iyo Shirkadaha Gaarka loo leeyahay (Public-Private Partnership - PPP).
Hay’adda Socdaalka waxay sheegtay in qandaraaskan lagu fulinayo si waafaqsan Sharciga Libka Qaranka (Public Procurement Act), si loo xaqiijiyo hufnaan iyo daahfurnaan hannaanka xulista shirkadda fulinaysa.
Baasaboorka cusub ayaa la sheegay inuu yeelan doono astaamo amni oo casri ah, isagoo la jaanqaadaya heerka caalamiga ah, korna u qaadaya tayada iyo muuqaalka baasaboorka Soomaaliyeed, isla markaana xoojinaya kalsoonida caalamiga ah ee dukumeentigan muhiimka ah.
Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay inay bilaabeyso la tashiyo ballaaran oo lala yeelanayo bulshada, hay’adaha dowladda, bulshada rayidka, iyo daneeyayaasha kale, si loo hubiyo in baasaboorka cusub uu matalo rajada, sumcadda, iyo baahida muwaadiniinta Soomaaliyeeda.