10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 12, 2025
Xubno ka tirsan Al-shabaab oo qorsheynaayay in weeraro ka geystaan Muqdisho oo la qabtay

Axad, October 12, 2025 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, kuwaas oo la sheegay iney doonayeen in weeraro ka geystaan gudaha magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa labadaan nin ku qabtay barkoontarool oo ku taala degmada Afgooye, kuwaas oo kusii jeeday gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

"Howlgalka Ciidanku sida xeeladeysan u fuliyeen ee lagu qabtay dhagarqabayaasha ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee isku dayaya inay carqaladeeyaan amniga iyo xasilloonida Dalka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka ay dadaal xoogan ugu jiran difaaca dadka Soomaaliyeed iyo ka hortaga qataraha ay kooxdu la damacsan tahay shacabka.

Qabashada ragaan ka tirsan Al-shabaab ayaa kusoo aadeysa, iyadoo deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ciidanka xoogga dalka ka wadaan howgalo ka dhan ah deegaanada ay gobolkaasi kaga sugan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.