Axad, October 12, 2025 (HOL) - Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyay xarig maanta loogu geystay Saldhiga degmada Waabari ee magaalada Muqdisho Agaasimaha Himilo TV Axmed Maxamed Aaden iyo Agaasime ku xigeenkiisa Khadar Cabdiraxiin Ibraahim.
Shariif Sheekh Axmed ayaa war qoraal ah uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inuu ka xun yahay xariga dowladda u geysatay madaxda Himilo Tv, wuxuuna dalbaday in si deg deg ah loo sii daayo Agaasimaha Himilo TV iyo ku xigeenkiisa.
“Waxaan aad uga xumahay tacadiyada joogtada ah ee lagu hayo warbaahinta gudaha kuwaas oo maalin walba la diiwaangeliyo iyadoo la isku dayayo in la aamusiyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Magaalada Muqdisho" ayuu yiri madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa madaxda dowladda ugu baaqay ilaalinta Dastuurka dalka oo uu sheegay inuu si buuxda u dammaanad qaadayo warbaahinta xorta ah.
“Madaxda dowladda iyo Hay’addaha amniga waxaa saaran waajib qaran, maadama dastuurka dalkeenu uu si buuxda u damaanad qaadaya Warbaahinta xorta ah iyo badqabka Wariyaha" ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Ugu dambeynti xariga Agaasimaha Himilo TV iyo ku xigeenkiisa waxaa sidoo kale si weyn u cambaareeyay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Fedaraalka Soomaaliya.