Axad, October 12, 2025 (HOL) - Puntland ayaa go’aansatay in dib looga soo raro reer guuraagii ku laabtay deegaannadii laga xoreeyay Daacish, kaddib markii la ogaaday in dad ka tirsan reer miyiga ay si dhow ula shaqeynayeen Daacish.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baarri Shire, ayaa sheegay inay la yaab ku noqotay in Daacish ay weerarro jidgal ah ka fuliyaan dhul horey looga saaray bilowgii howlgalka Hillaac.
Gudoomiye Baarri wuxuu sheegay in weerarkii ugu dambeeyay uu dhacay habeeno ka hor markii dagaalamayaal katirsan Daacish ay jidka u galeen ciidamo gurmad ah, taasoo sababtay dhimashada hal askari iyo dhaawaca labo kale.
“Dhulkii aan horey u xoreynay ayay nimankii (Daacish) kusoo laabteen, iyagoo dhexgalay reer miyigii. Taasi waxay nagu kalliftay inaan ciidamadeenna dib u celinno,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland.
Waxa uu cambaarayn adag u jeediyay reer miyiga, isagoo sheegay in dhulkii loo xorreeyay oo uu dhigga badan ku daatay in ay u ogolaadeen dhowr nin oo Daacish oo firxad ah inay ku dhex noolaadaan, ciidankana u maleegaan shirqool
Dhawaan ayay ahayd markii hay’adaha amniga Puntland ay ku eedeeyeen qaar kamid ah reer miyiga ku nool Calmiskaad inay si qarsoodi ah ugu geeyaan kooxda Daacish raashin iyo xoolo, taasoo keentay walaac amni oo sii kordhaya.
Dhowr sarkaal oo ciidan ayaa lagu dilay qaraxyo loo dhigay dhulka, taasoo abuurtay tuhun weyn oo ku aaddan in reer miyiga lagu dhex jiro.