Isniin, October 13, 2025 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga Yemen, Sareeye Gaas Mohsen Al-Daari, ayaa magaalada Caden kula kulmay safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Yemen, Cabdulxakiim Maxamed iyagoo ka wada hadlay arrimo quseeya Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyadoo si gaar ah looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta la dagaallanka tahriibka sharci darrada ah iyo kooxaha argagixisada ee ka faa'iideysta dhaqdhaqaaqyadaas.
Wasiirka Gaashaandhigga Yemen ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loola tacaalo khataraha amni ee gobolka, si loo sugo xasilloonida iyo nabadgelyada waddooyinka badda ee istiraatiijiga ah.
Safiirka Soomaaliya ee Yemen ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Yemen taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo xusay sida ay Soomaaliya uga go'an tahay xoojinta wada shaqeynta labada dal ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarka.
Kulankan ayaa u muuqda mid dhabbaha u xaaraya iskaashi amni oo cusub oo u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya, xilli labada dal ay wajahayaan caqabado la xiriira amniga badda iyo dhaqdhaqaaqa kooxaha xagjirka ah ee gobolka.