Isniin, October 13, 2025 (HOL) - Ciidamada deegaanka ee gobolka Hiiraan ee Macawiisleyda ayaa howlgal qorshaysana ku dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo horey Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ugu xukuntay dil toogasho ah.
Horjoogahaan oo magaciisa lagu sheegay Cali Axmed Qoyane ayaa lagu dilay howlgal ciidamada Macawiisleyda ka fuliyeen deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.
Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in horjooge Qoyane lala dilay xubno kale oo muhiim u ahaa maleeshiyaadka Al-shabaab ee ka dagaalama deegaanada gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Dhinaca kale War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka lagu sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaana faahfaahinta howlgalka iyo khasaaraha ka dhashay ay dib kasoo sheegi doonaan.
"Howlgal aad loo qorsheeyay oo goordhow ka dhacay deegaanka Mubaax ee gobalka Hiiraan ayaa lagu dilay Horjooge Cali Axmed Guure oo loo yaqaanay (Cali Qoyane) kaas oo ahaa horjooge dhiigyo cab ah oo dhibaatooyin badan ka gaystay gobolka Hiiraan" ayaa lagu yiro warka kasoo baxay dowladda Fedaraalka.
Warka dowladda waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay wadi doonaan howlgalada noocan ah ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab inta laga ciribtirayo deegaanada ay kaga sugan yihiin guud ahaan dalka.