10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 13, 2025
IMF oo Soomaaliya siinaysa $30 milyan si loo xoojiyo dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta maaliyadeed

Isniin, October 13, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta (IMF) ayaa ku heshiiyay in Soomaaliya la siiyo lacag dhan $30 milyan oo dollar, si loo yareeyo saameynta ka dhalatay jarista deeqaha shisheeye iyo isbeddelka cimilada oo saameeyay dhaqaalaha dalka.

Heshiiskan ayaa ku yimid wadahadallo u socday labada dhinac intii u dhaxeysay 16-kii Sebteembar ilaa 8-dii Oktoobar 2025, waxaana hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige iyo madaxa kooxda IMF ee Soomaaliya, Ran Bi.

Hay'adda IMF ayaa sheegtay in lacagtan cusub ee $30 milyan loo bixin doono laba qaybood, marka la dhameeyo dib-u-eegista afaraad iyo tan shanaad ee barnaamijka Extended Credit Facility (ECF). Tani waxay wadarta guud ee lacagta barnaamijka waxay ka dhigeysaa $100 milyan, oo IMF ku taageerayso dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo dhaqaalaha iyo maamulka maaliyadeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu ammaanay hagaajinta canshuur uruurinta, gaar ahaan kadib hirgelinta sharciga cusub ee canshuurta dakhliga, iyo ilaalinta xakamaynta kharashaadka.

IMF ayaa sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu weli u baahan yahay taageero si uu u adkeeyo horumarka laga gaaray dib-u-habaynta iyo inuu u adkeysto hoos u dhaca deeqaha shisheeye.

Inkasta oo dhaqaaluhu koray 4.1% sanadkii 2024, haddana IMF waxay saadaalisay in koboca sanadkan 2025 uu hoos ugu dhici doono 3%, halka 2026 uu noqon doono 3.3%, sababo la xiriira jarista deeqaha.
IMF waxay ku boorisay beesha caalamka inay sii wadaan taageerada Soomaaliya, si loo ilaaliyo horumarka la gaaray loona dardar geliyo dib-u-habaynta dhaqaale ee socda.