Isniin, October 13, 2025 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka (IMF) ay isla meel dhigeen Heshiis Horudhac ah (Staff-Level Agreement) oo ku saabsan dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda Soomaaliya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee X (horey u ahaan jirtay Twitter), ayuu ku sheegay in wada-tashiyada socday muddo laba toddobaad ah ay si guul leh ku soo dhammaadeen, isla markaana ay Soomaaliya si wanaagsan uga soo baxday dhammaan tilmaamayaasha dhaqaalaha iyo kobaca maaliyadeed.
"Waxaan si diirran u soo dhaweynayaa heshiiska horudhaca ah ee aan la gaarney IMF kadib geeddi-socod la-tashi oo laba toddobaad qaatay, Waxaa muuqata inaan si adag uga shaqeyneyno kobaca iyo xasilloonida dhaqaalaha, waana sii laba jibaari doonnaa dadaalladeenna," ayuu yiri Wasiir Biixi.
Wasiirka ayaa xusay in xasilloonida maaliyadeed ay tahay tiirka ugu weyn ee lagu dhisayo dhaqaale kobca oo u abuura fursado shaqo iyo nolol wanaag shacabka Soomaaliyeed.
Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda Soomaaliya kadib laba toddobaad kulan ah oo ay wada yeeeshaan qaar kamid ah hay’adaha Dowladda oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige iyo xubno sare oo ka socday IMF oo ay ugu sareysay Mrs. Ran Bi oo ah wakiilka arrimaha Soomaaliya ee IMF.
Warbixintan ay soo saartay IMF ayaa timid kadib markii ay ansixiyeen guddiga sare ee Hay’adda oo shir gaar ah ka yeeshay natiijadii ka soo baxday kulankii dhexmaray hey’adaha Dowladda iyo IMF, sida ay ka hor sheegtay Guddiga Mrs. Ran Bi oo tilmaamtay in ay la kulantay natiijo la taaban karo kadib kulankii ay la yeelatay Wasiirka Maaliyadda iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo Nairobi kulamo ku yeeshay 16-kii September ilaa iyo 8-da bisha October 2025.