10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 13, 2025
Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay muwaadin u dhashay Turkiga oo katirsan Daacish oo lagu qabtay Calmiskaad

Isniin, October 13, 2025 (HOL) - Ciidamada Darawiishta Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay muwaadin u dhashay dalka Turkiga, kaasoo lagu magacaabo Feyzul Xaashim Suleymaan, kadib howlgal ay ka sameeyeen Togga Baalade ee gobolka Bari. Qabashadan ayaa timid xilli uu marayo wajiga afraad ee Hawlgalka Hilaac, oo lagu bartilmaameedsanayo dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan buuraleyda Cal-Miskaad.

Waa muwaadinkii labaad ee u dhashay Turkiga ee ay ciidamada amniga Puntland qabtaan muddo laba bilood gudahood. Hassan Ataar, oo isna u dhashay Turkiga, ayaa la qabtay bishii Juun ee sanadkan. 

Wararka laga helayo laamaha amniga ayaa sheegaya in weli la raadinayo laba kale oo firxad ah — Emre Kemal Yılmaz iyo Aylin Derya Kaya — kuwaas oo la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan deegaanka Cal-Miskaad.

Gen. Axmed Cabdilaahi Sheekh oo kamid ah saraakiisha ciidanka Puntland ayaa sheegay, in dagaalyahannada Turkiga ee ku biiray Daacish ay yihiin dambiilayaal ka baxsaday Turkiga, qaar ka mid ah ayuu sheegay inay horey uga tirsanaayeen ciidanka militariga ee dalkaas, kuwaas oo lagu tuhunsanaa inay ku lug lahaayeen isku daygii afgambiga ee fashilmay bishii Juun 2016.

Sargaalkan ayaa sheegay in warbixinnada ay heleen ay tilmaamayaan in xubnahani ay markii hore ku biireen Daacishta Suuriya, ka hor inta aan loo soo wareejin gobolka Cal-Miskaad ee Puntland.

Wuxuu sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo xiriirka ay la leeyihiin shabakadaha tahriibinta iyo argagixisada caalamiga ah, sida kooxda PKK.

Khubarada amniga ayaa sheegaya in dhacdooyinka noocan ah ay muujinayaan khatarta dagaalyahannada shisheeye ee isku xira gobollo kala duwan, taasoo adkeynaysa baahida loo qabo in la xoojiyo wadaagista xogta iyo iskaashiga caalamiga ah ee la dagaalanka argagixisada.

Sidoo kale, ciidanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay dagaalame Soomaali ah oo kamid ahaa raggii ku jiray Togga Baallade, halkaas oo ay maanta ciidamada Puntland dagaal adag kula galeen Daacish.