Talaado, October 14, 2025 (HOL) - Cali Jeyte Cismaan, la-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha macawiisleeyda, ayaa markii ugu horreysay si cad u sheegay in Horjooge Cali Axmed Guure, oo loo yaqaanay Cali Qoyane, uu mas’uul ka ahaa dilalkii dadka rayidka ahaa ee ka dhacay inta u dhaxeysa Maxaas iyo Beledweyne 3-dii Sebtembar 2023.
Falkan lagu eedeeyay xubno ka tirsan Alshabaab, ayuu Jeyte ku tilmaamay qorshe si qoto dheer loo maleegay oo lagu doonayay in lagu kala jabiyo bulshada deegaanka Hiiraan.
“Dadkii la laayay waxay ahaayeen hal jifo Qorshahaasi wuxuu ahaa mid loogu talagalay in bulshada lagu kala fogeeyo,”ayuu yiri Cali Jeyte oo la hadlayay BBC.
Horjooge Cali Axmed Guure, oo la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab muddo ka badan 10 sano, ayaa lagu tilmaamay mid si gaar ah u bartilmaameedsan jiray dadka musaafurka ah, isagoo ku eedeysan dhibaatooyin joogto ah oo uu ku hayay dadka rayidka ah.
Inkasta oo falkaasi xanuunka badan uu gilgilay deegaanka, haddana Cali Jeyte wuxuu sheegay in ay ahayd dhacdadii ugu dambeysay ee sababay kacdoon ballaaran oo bulshada reer Hiiraan ay ku qaadaan dagaal ka dhan ah Alshabaab.
“Dagaalka si rasmi ah wuxuu u bilowday Agoosto 2022, laakiin dhacdadaas waxay ahayd middii dadka mideysay oo ay u arkayeen in cadowga uusan kala reebin naag iyo nin toona," ayuu yiri.
Kacdoonka shacabka oo markii hore ahaa mid deegaanka u gaar ah, ayaa isu beddelay mid dhul ballaaran looga saaray Alshabaab, inkastoo kooxdaasi markii dambe ay ku guuleysatay inay dib u qabsato qaar ka mid ah deegaannadii laga saaray.
Dilka Cali Qoyane ayaa loo arkay guul weyn oo ay gaareen dadka deegaanka, Cali Jeyte wuxuu sheegay in geerida Cali Qoyane ay micnaheedu tahay in cadaw weyn laga takhalusay.
“Dadka deegaanka waxay u arkaan neecaaw iyo caafimaad u soo hoyday Waa cadaw baxay,” ayuu yiri.
Jeyte ayaa sheegay in dagaalka shacabka uu yahay mid aan siyaasad ahayn balse salka ku haya badbaadinta dadkooda, deegaanka iyo mustaqbalkooda.