Talaado, October 14, 2025 (HOL) - Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada ammaanka Puntland iyo Daacish ayaa saakay ka bilowday nawaaxiga goobihii shalay lagu dagaalamay ee Calmiskaad, sida ay saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland noo xaqiijiyeen.
Dagaalka ayaa ka socda deegaanka Kaadi-loho ee Ceelka Il-Abbal ee Togga Qansax, buuraleyda Cal-Miskaad, halkaas oo ciidamada Puntland ay isku dayayaan inay ka saaraan firxadka Daacish godod ay kasoo dagaalamayaan
War kooban oo kasoo baxay howlgalka ciribtirka argagixisada ee Hillaac ayaa lagu sheegay, in ciidanku ka saaray firxadka Daacish Ceelasha Baarakallaah iyo Shakaallo, kuwaas oo Daacish ay ku dhuumaaleysanayeen.
Puntland waxay sheegtay in ciidamadeedu dileen xubno firxadka Daacish ka tirsan, qaarna waxay qabteen ku nolasha, halka kuwa kale weli lagu raadjoogo.
Shalay, ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay muwaadin Turkiga u dhashay oo lagu magacaabo Feyzul Xaashim Suleymaan, kadib howlgal ka dhacay Togga Baalade ee gobolka Bari. Qabashadan ayaa timid xilli uu marayo wajiga afraad ee Hawlgalka Hillaac, oo lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahannada Daacish ee ku sugan buuraleyda Cal-Miskaad.
Waa muwaadinkii labaad ee Turkiga ee ay ciidamada Puntland qabtaan muddo laba bilood gudahood. Hassan Ataar, oo isna Turkiga u dhashay, ayaa la qabtay bishii Juun sanadkan. Wararka ka imanaya laamaha amniga ayaa sheegaya in weli la raadinayo laba kale oo firxad ah — Emre Kemal Yılmaz iyo Aylin Derya Kaya, oo la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan Cal-Miskaad.