Talaado, October 14, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo madaxweynayaasha dalalka Masar, Qadar iyo Turkiga ayaa si wadajir ah u saxiixay baaq nabadeed oo ku saabsan sidii Qasa loogu soo dabaali lahaa nabad, kadib shir madaxeed ka dhacay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalkaasi Masar.
Madaxweyne Donald Trump ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday in la joogo waqtigii ay bilaaban laheyd dib u dhiska magaalada Gaza oo si baaxad leh ugu burburtay duqeymo labadii sano ee lasoo dhaafay Israa'iil ku garaaceysay magaaladaas.
"Maalin cusub oo qurux badan ayaa soo kacaysa, hadana dib u dhiska ayaa bilaabmaya, maanta qof walba wuu ku faraxsan yahay heshiisyada waa weyn ee la gaaray " ayuu yiri madaxweyne Trump.
Donald Trump ayaa sidoo kale amaan balaaran u jeediyay hoggaamiyeyaasha gobolka ee gacanta ka geystay heshiiska xabad joojinta ah oo ay wada gaareen Israa'iil iyo Xamaas.
Heshiiskan ay wada gaareen Israa’iil iyo Xamaas ayaa kusoo aadaya, kadib mudo laba sano ah oo Israa'iil duqeymo joogta ah ku gaaraceysay magaalada Gaza, waxaana la tilmaamay in duqeymahaasi ay ku dhinteen in ka badan 70 kun oo reer Falastiinah.