10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2025
Itoobiya oo yeelanaysa Nukliyeerka laga dhaliyo adeegga Korontada
 

Talaado, October 14, 2025 (HOL) - Golaha Wasiirrada Itoobiya ayaa ansixiyay xeer cusub oo dhisaya Guddiga Korontada Nukliyeerka ee dalka Itoobiya intii lagu guda jiray fadhigii 49-aad ee joogtada ahaa.

Xeerkan aya loogu talagalay inuu hage iyo isku dubarid u noqdo isticmaalka nabdoon ee tiknoolajiyada nukliyeerka Ethiopia si waafaqsan habraacyada caalamiga ah.

Guddigu wuxuu yeelan doonaa awood uu ku hoggaamiyo oo ku kormeero adeegsigga cilmiga nukliyeerka ee dhinacyada ay ka mid yihiin: dhalinta korontada, horumarinta warshadaha, amniga cuntada, caafimaadka, iyo cilmi-baarista iyo hal-abuurka sayniska.

Bishii Sebtembar, Itoobiya iyo Ruushka ayaa saxiixay qorshe hawleed lagu horumarinayo mashruuca korontada nukliyeerka ee Itoobiya, taasoo qayb ka ah wadashaqeyn ballaaran oo laga wada hadlay intii lagu jiray booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed ee Moscow.

Heshiiska, oo la saxiixay 25-ka Sebtembar 2025, waxaa isdhaafsaday Alexei Likhachev, Agaasimaha Guud ee Shirkadda Tamarta Nukliyeerka ee Ruushka (Rosatom), iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Gedion Timotheos.

Heshiisku wuxuu tilmaamayaa tallaabooyin wax ku ool ah oo wada-shaqeyn ah oo u dhaxeeya Rosatom iyo Shirkadda Korontada Itoobiya si loo dhiso warshad koronto nukliyeer ah oo Itoobiya ku taal.