10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2025
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo si kulul u cambaareysay xarigga wariyeyaal iyo xubno u dooday xuquuqda dadka barakacayaasha ah
 

Talaado, October 14, 2025 (HOL) - Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareysay xarigga iyo hanjabaadaha loo geystay wariyeyaasha iyo xubno ka tirsan guddiga u dooda xuquuqda dadka laga barakiciyay suuqii Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Qoraal rasmi ah oo ay soo saareen Madasha, ayaa lagu sheegay in tallaabooyinkan yihiin kuwo si cad u baalmaraya dastuurka KMG ah iyo shareecada Islaamka, kuwaas oo damaanad qaaday xornimada hadalka, milkiyadda hantida, iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Madasha ayaa si gaar ah u xustay xarigga sharci darrada ah ee loo geystay Wariye Khadar Cabdirixiin oo ka tirsan Himilo TV, kaas oo u xiran diyaarinta warbixin cabashooyinka dadka laga saaray suuqii Siinaay. 

Sidoo kale, waxaa la xiray xubno ka tirsan guddiga u dooda xuquuqda dadkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Ibraahim Cabdi Gurey, Cabdullaahi Cali Raage, iyo Daahir Maxamuud.

Qoraalka Madasha ayaa si cad u muujiyay in xariggan uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana la doonayo in lagu aamusiyo codadka u hadlaya dadka barakacayaasha ah ee ay hantidooda iyo hoygoodii ka boobeen xoogagga hubeysan iyo hay’ado dowladeed oo ay ciidamada ammaanku taageerayaan ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Madasha.

Madasha ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo sii daayo wariyeyaasha iyo xubnaha la xiray, lana joojiyo handadaadda iyo xadgudubyada ka dhanka ah muwaadiniinta, iyadoo ugu dambeyn u dirtay fariin culus Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si uu u farageliyo xaaladda taagan.