Talaado, October 14, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cagjar, ayaa sheegay in faa’iidada shidaalka laga helay deegaanka uu 50% helayo Deegaanka Soomaalidu.
Madaxweyne Cagjar ayaa sheegay in golayaasha Baarlamaanka Itoobiya ay si rasmi ah u ansixiyeen saamiga la siinayo deegaankiisa, isaga oo xusay in xitaa qaybta ay dowladdu qaadato wax laga siin doono.
"Shidaalka iyo shaqo-abuurka oo si cad golayaasha Baarlamaanka loogu ansixiyay in 50% dadka deegaanka la siinayo faa’iido ma inoogu jirtaa mise maya? Wixii kale ee dowladda dhexe u xeroodaana waa waxa aan hadda ka faa’iidaysanayno oo wata Shabeelay lagu dhisayo," ayuu yidhi Madaxweyne Cagjar.
Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ugu digay dad uu sheegay in ay kasoo horjeedaan horumarka deegaanka iyo mashaariicda la keenay, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay dadka u sawirayaan in khayraadkoodii la dhacayo, isla markaana ay sheegayaan in madaxda deegaanku aanay ahayn kuwo si cadaalad ah wax ula qaybsan kara Itoobiya, oo la dhici karo.
Waxa uu sheegay in kahor inta aan shidaalkaba la gaadhin uu deegaanku heli doono 100 mega watt oo koronto ah oo lagu iftiiminayo tuulooyinka, iyo 700 oo milyan oo dollar oo lagu hagaajinayo jidadka deegaanka. Waxa kale oo uu sheegay in waxgaradka deegaanku ay si xor ah uga doodi karaan faa’iidada mashaariicdan.
"In dad dano siyaasadeed lihi ay dadkii si xun ugu sawiraan waa nasiib-darro, waxaanu shacabka uga digaynaa arrimaha noocaas ah in aan lagu kadsoomin, in aan lagu khaldamin, dadkuna maanta wuu soo jeedaa, wuu doodi karaa, wuu hadli karaa," ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Cagjar.
Waxa uu sheegay in dadka dabka hurinaya ay qurbajoog u badan yihiin, kuwaasi oo raba in dhib aanay hadhow la qaybsan doonin dadka deegaanka ay cagaha u geliyaan.
Hadalka madaxweynaha ayaa ku socday garabka jabhadda ONLF ee dibad-wareega ah, oo dhawaan sheegay in dadka deegaanku aanay xaqooda ka helin Itoobiya, iyaga oo miiska soo saaray halgan hubaysan oo ay Itoobiya kula diriri doonaan haddii Addis Ababa ay ka jawaabi weydo cabashadooda.