Talaado, October 14, 2025 (HOL) - Wasiirka Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzumi, ayaa magaalada Doha kulan rasmi ah kula yeelatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Qatar, Marwo Maryam bint Cabdullaahi Al-Caatiyah, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada xuquuqda aadanaha iyo horumarka bulshada.
Kulanka ayaa ku soo beegmay xilli Soomaaliya ay waddo dib-u-habeyn ballaaran oo dhanka hay’adaha ah, gaar ahaan dhismaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, taas oo loo arko in ay ka mid tahay tallaabooyinka taariikhiga ah ee lagu horumarinayo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Labada mas’uul ayaa is dhaafsaday aragtiyo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga hay’adaha xuquuqda aadanaha ee labada dal, iyagoo xoogga saaray, Dhisidda awoodda hay’adaha (capacity building), Is-weydaarsiga waayo-aragnimada iyo Fulinta barnaamijyo wadajir ah oo dhiirrigelinaya karaamada bini’aadamka, sinnaanta, iyo ilaalinta dadka nugul.
Wasiir Khadiija Al-Makhzumi ayaa kulanka ka sheegtay sida Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay dib ugu cusboonaysiisay ballan-qaadkeedii ku aaddanaa maamulka xuquuqda aadanaha, iyadoo xustay in dhismaha Guddiga Madax-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha uu yahay guul weyn oo horseedi doonta madax-bannaani dhab ah oo lagu ilaalin karo xuquuqda dadka Soomaaliyeed.
Dhinaceeda, Guddoomiye Maryam Al-Caatiyah ayaa u hambalyeysay Soomaaliya horumarka la taaban karo ee ay ku tallaabsatay, waxayna ku amaantay sida ay dowladda federaalku uga go’an tahay horumarinta hay’adaha qaranka, Sidoo kale, waxay ballanqaaday in Qatar ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka tababarrada iyo gargaarka farsamo ee dhisidda awoodda.