10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2025
Ciidamada dowladda oo howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Talaado, October 14, 2025 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Ururada 144-aad iyo 145-aad ee guutada 14-ka October ayaa maanta howlgalo qorsheysan ka fuliyay tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada hoose.

Tuulooyinka hoostaga deegaanka Janaale ee howlgalada ka fuliyeen ciidamada waxaa fariisimo ku lahaa xubno ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo dhibaato xoogan ku haayay dadka beeraleyda ah ee ku nool hareeraha Wabiga Shabeelle. 

Tuulooyinka ciidanku sida gaarka ah uga fuliyeen howlgalada waxaa ka mid ahaa Malable, Beeraha baay, Siigaale bari iyo Doonkaa daafeedow, kuwaas oo dhamaantood hoos taga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada hoose.

Howlgaladaan waxaa hoggaaminaayay Taliyaha guutada 14-ka October ee ciidanka Dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye, isagoona warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadu beegsadeen doomo ay kooxdu isaga kala gudbi jireen labada dhinac ee Wabiga Shabelle.

Ugu dambeyntii Taliye Munye ayaa sheegay in ciidamadu ay howlgaladu ku burburiyeen doomaha ay maleeshiyaadka Al-shabaab isaga kala gudbi jireen deegaanada ku kala yaala labada dhinac ee wabiga Shabeellle, islamarkaana ay sii wadi doonaan howlgalada noocaan oo kale ah.