10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 14, 2025
Madaxweynaha Somaliland oo Addis Ababa lagu soo dhaweeyay
 

Talaado, October 14, 2025 (HOL) - Madaxweynaha  Somaliland,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, Abiy Axmed Cali.

Madaxweyne Cirro iyo waftigiisa waxa Madaarka Caalamiga ah ee Bole International Airport ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee  Itoobiya Gedion Timotheos iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay Madaxtooyada Somaliland.

"Soo dhawaynta Madaxweynaha Somaliland ayaa ahayd mid uu hab-maamuuskeedu sarreeyo, waxa ay qaddar nasasho ah ku qaateen qolka VIP-da ee Garoonka Diyaaradaha Addis Ababa, kaddibna waxa loo galbiyey goobta ay degi doonaan magaalada Addis Ababa" ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxtooyada.

Qoraal saaka lagu baahiyay Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in safarkani daaran yahay kor u qaadista iyo ballaadhinta iskaashiga dhinacyada isku socodka xamuulka, ganacsiga, amniga, iyo horumar waara oo labada dhinac ay wada gaadhaan, iyo arrimo kale oo muhiim ah.

“Waxa uu sahli doonaa fursad lagu falanqeeyo doodo muhiim ah oo la xidhiidha amniga iyo xaaladda gobolka, isaga oo jiho cusub u yeeli doona iskaashiga iyo isku xidhka Addis Ababa iyo Hargeysa,” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay: “Booqashadan ma aha oo keliya safar dowladeed, balse waa fariin xanbaarsan casharro qoto dheer oo ku saabsan xidhiidhkeena taariikhiga ah, iyo dhismaha mustaqbal wadaag ah oo ku salaysan rajo iyo amni uu helo Geeska Afrika.”

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu Madaxweynaha Somaliland ku tago dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay.

Dhanka kale, waxaa maalmahan Itoobiya ku sugnaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.