10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2025
Milatariga Madagascar oo Xukunka La Wareegay, iyo Madaxweynahii oo Dalka Ka Cararay
 

Arbaco, October 15, 2025 (HOL) - Taliska milatariga dalka Madagascar ayaa si rasmi ah u shaaciyey inay la wareegeen talada dalka, kaddib markii baarlamaanku xilka ka qaaday madaxweynihii hore Andry Rajoelina, kaas oo lagu soo warramayo inuu dalka ka baxay, xilli mudaaharaadyo xooggan oo dhallinyaro horkacayeen ay socdeen toddobaadyadii la soo dhaafay.

Taliyaha ciidamada, Korniil Michael Randrianirina, oo kacdoonka qayb ka ahaa ayaa sheegay in milatarigu uu kala diray dhammaan hay’adaha dowlada marka laga reebo Golaha Wakiillada. “Waxaanu la wareegnay talada dalka,” ayuu ku dhawaaqay isagoo khudbad u jeediyay shacabka isaga oo ku sugnaa xarunta raadiyaha qaranka.

Randrianirina ayaa sidoo kale sheegay in gole kumeelgaadh ah oo ka kooban xubno milatari ah uu dalka maamuli doono muddo laba sano ah, inta lagu diyaarinayo doorashooyin cusub.

War-saxaafadeed ka soo baxay hogaanka ciidamada ayaa lagu sheegay in la hakiyay shaqadii hay’adaha kala ah: Senetka, Maxkamadda Dastuuriga, Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Maxkamadda Sare ee Cadaaladda, iyo Golaha Sare ee Xuquuqda Aadanaha iyo Sharciga.

Madaxweyne Rajoelina, oo horey ugu yimid awoodda afgambi uu sameeyay sanadkii 2009, ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu kala diro Golaha Wakiillada si uu uga hor tago xil ka qaadistiisa. Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanada ayaa cod xilka kaga xayuubiyay, taas oo abuurtay qalalaase ilaa uu ugu dambayn dalka ka baxsaday.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Rajoelina uu Axaddii hore ku baxsaday diyaarad ay leeyihiin ciidamada Faransiiska, isagoo ka baqaya isku day dil iyo kacdoon hubeysan.
Kacdoonnada ayaa billowday 25-kii Sebtembar, kadib markii shacabku ay ka cadhoodeen koronto la’aan iyo biyo la’aan joogto ah, balse si degdeg ah ayay isugu beddeleen mudaaharaadyo ka dhan ah musuqmaasuqa, iyo maamul xumada dowladda.

Boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay fagaaraha 13 May Square ee caasimadda Antananarivo, iyagoo lulayay calanka dalka iyo boodhadh ay ku qoran yihiin fariimo ay ku dalbanayaan isbeddel.

Waxaa la arkayay qaar ka mid ah dhalinyarada mudaaharaadayay oo sita calaamadda caanka ah ee “One Piece” ee astaanta u noqotay kacdoonka dhalinyarada Gen Z -ga.
Mid ka mid ah ardayda dugsiga sare, Fih Nomensanahary, ayaa tidhi: “Waxaan ku faraxsanahay in Andry Rajoelina la riday. Waqti cusub ayaa bilowday.”

“Waxaan rajaynayaa in milatarigu si degdeg ah ugu wareejiyo xukunka rayidka oo la qabto doorasho xor ah,” ayuu yidhi Rezafy Lova, oo ah la-taliye IT ah.

Cutubka CAPSAT, oo ah unugga ciidanka gaarka ah ee uu Randrianirina hoggaamiyo, ayaa diiday amaradii madaxweynihii hore ee ahaa in la rasaaseeyo mudaaharaadayaasha. Taas oo horseeday in ciidanka iyo shacabku isku soo dhawaadaan oo ay si fudud ula wareegaan tallada dalka.

Madagascar, waxa ku nool ku dhowaad 30 milyan oo qof, lakiin saddex meelood labo ka mid ah dadkaasi waxay ku nool yihiin saboolnimo. Warbixinnada Bangiga Adduunka ayaa muujinaya in dhaqaalaha dalku uu hoos u dhacay 45% tan iyo markii ay xorriyadda qaateen 1960.

Madaxweyne Rajoelina ayaa cambaareeyay afgambiga, isaga oo ku tilmaamay “xukun militari oo sharci darro ah" inkasta oo uu isaguba inqilaab xukunka ku qabsaday.