10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2025
Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya
 

Arbaco, October 15, 2025 (HOL) - Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire Moukhtar Osman Kaire, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub, oo uu hoggaaminaysay Safiirka Midowga Yurub u qaabbilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira taageerada nabadda ee Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta Hawlgalka Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika (AUSSOM), xaaladda amni ee dalka, iyo doorka beesha caalamka ee ku aaddan dib-u-dhiska nabadda iyo xasilloonida.

Danjire Kaire ayaa wafdiga uga warbixiyay caqabadaha dhaqaale ee haysta AUSSOM, isagoo tilmaamay in hoos u dhaca miisaaniyadda uu si toos ah u saameeyay howlgalka, gaar ahaan dhinacyada milatari, boolis iyo qeybaha rayidka. 

Sidoo kale, wuxuu sharaxaad ka bixiyay hawlgallada socda ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan ee kale, iyo guulaha laga gaaray.

Intii uu socday wada-hadalku, waxaa si gaar ah loo falanqeeyay qorshaha dheeraynta joogitaanka ciidamada Burundi ee AUSSOM, iyo sidii ay ugu wareegi lahaayeen ciidan kale oo ka socda dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, gaar ahaan ciidamada laga sugayo dalka Masar.

Sidoo kale, labada dhinac waxay isla soo qaadeen qorshaha marxaladaha ah ee lagu horumarinayo hawlgalka AUSSOM, kaasoo lagu saleeyay kala-duwanaanshaha qeybaha howlgalka ee laga bilaabo hawlgallada milatari, boolis ilaa adeegyada rayidka, si loo xaqiijiyo nabad-dhisid waarta oo Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka AUSSOM S/Guud Sam Kavuma iyo Taliyaha Booliska AUSSOM Hillary Sao Kanu, kuwaasoo dhankooda warbixin ka siiyay wafdiga heerka hawlgalka iyo waxqabadka ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan gudaha Soomaaliya.