Arbaco, October 15, 2025 (HOL) - Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay taageerayso Senatarka gobolka Minnesota, Omar Fatah, oo u taagan xilka duqa Minneapolis.
Faatax ayaa helay taageeradan muhiimka ah ee kaga timid Ilhan Cumar, halka duqa hadda xilka haya, Jacob Frey, uu isna taageero ka helay Guddoomiyaha gobolka Tim Walz iyo Senatarka Amy Klobuchar.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan taageero Sen. Fatah si uu u noqdo duqa Minneapolis,” ayay tiri Ilhaan Cumar.
Faatax ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada Ilhaan, isagoo sheegay in magaalada Minneapolis ay noqotay magaalo laba qeybood u kala jabtay — mid ay leeyihiin dadka taajiriinta ah iyo midda dadka caadiga ah.”
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in Faatax uu hoggaan u noqon karo isbeddel iyo cadaalad bulsho.
Si kastaba ha ahaatee, ololaha Fatah ayaa wajahaya eedeymo la xiriira xadgudubyo ololahiisa ka dhashay kadib markii xisbiga DFL uu ka noqday taageeradiisii. Faatax ayaa sheegay in arrintaas ay keentay taageero cusub oo uu ka helay shacabka.
Waxa uu sidoo kale diiday eedeymo ku saabsan inuu taageeray sharci guryo-dhis ah oo la sheegay inuu dani ugu jirtay xaaskiisa, isagoo sheegay in sharcigu ujeeddadiisu ahayd daahfurnaan.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in Fatah uu yahay qofka ugu habboon ee mideyn kara dhinacyada isku haya ee maamulka magaalada, iyadoo tusaale u soo qaadatay shaqadiisa ku saabsan barnaamijyada waxbarasho ee lacag la’aanta ah iyo taageerada darawalada Uber iyo Lyft.
Doorashada duqa Minneapolis waxaa isku soo taagay 15 musharax, kuwa ugu waaweynna waa Jacob Frey, Omar Fatah, Rev. DeWayne Davis, iyo Jazz Hampton.