Arbaco, October 15, 2025 (HOL) - Israa’iil ayaa markale ku hanjabtay inay xannibi doonto gargaarka bani’aadantinimo ee la geynayo Qasa, iyadoo sabab uga dhigaysa “gaabiska” kooxda Xamaas ee ku saabsan soo celinta meydadka maxaabiistii Israa’iil ee lagu dilay dagaalka.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii Xamaas ay dib u dhigtay wareejinta meydadka 28 maxbuus oo la filayay inay soo celiyaan Isniintii, iyada oo ilaa hadda soo wareejisay kaliya afar.
Kooxda Xamaas ayaa sheegtay in ay Talaadada wareejinayso meydadka afar Israa’iili oo kale, arrintaas oo ay Israa’iil iyo Hey’adda Bisha Cas ee Caalamiga ahi xaqiijiyeen, iyagoo sheegay in meydadkaasi ay gaadheen Israa’iil si loogu sameeyo baadhitaanno caafimaad oo lagu aqoonsanayo.
Ciidamada Israa’iil ayaa ku eedeeyay Xamaas inay jebisay heshiiskii xabbad-joojinta ee labada dhinac, gaar ahaan qaybta ku saabsan soo celinta meydadka maxaabiista. Dhanka kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa arrintan kaga falceliyay bartiisa Truth Social, isagoo ku qoray: “Meydadkii lama soo celin sidii la ballan qaaday! Wejigii labaad wuu bilaabmay hadda!!!”
Xamaas ayaa dhankeeda sheegtay in dib u dhaca uu salka ku hayo burburka baaxadda leh ee Israa’iil ka geysatay gudaha Qasa iyo in aan si buuxda loo garanayn goobihii lagu hayay qaar ka mid ah maxaabiista.
Wariye Gabriel Elizondo oo ka tirsan Al Jazeera kana soo waramayay xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ayaa sheegay in Israa’iil ay durba bilowday inay isticmaasho hanjabaadaha xayiraadaha si ay cadaadis ugu saarto Xamaas, iyadoo xitaa la hadal hayo in la yareeyo gargaarka soo galaya Qasa.
Dhanka kale, Qaramada Midoobay iyo Hey’adda Bisha Cas ee Caalamiga ah ayaa ugu baaqay Israa’iil inay furto dhammaan marinada xuduudda si loo oggolaado in gargaar degdeg ah loo gudbiyo dadka reer Qasa oo xaalad halis ah ku sugan.
Afhayeenka OCHA, Jens Laerke, ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaarsatay 190,000 tan oo gargaar ah oo sugaya oggolaansho si loo geeyo Qasa. Sidoo kale, afhayeenka UNICEF, Ricardo Pires, ayaa sheegay in hay’addu ay haysato 1,370 gaadhi oo gargaar sida, balse ay u baahan yihiin ugu yaraan 600 gaadhi maalintii si loo daboolo baahida dadka.
Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku celisay baaqa ah in la kordhiyo gargaarka caafimaad ee la gaadhsiinayo Qasa. “Culeyska saaran isbitaallada waa mid sii kordhaya, waana in aan hadda keennaa agabka caafimaad oo badan si shaqaalaha caafimaadku ay u sii wadaan adeegyada” ayuu yidhi afhayeenka WHO, Tarik Jasarevic.