Arbaco, October 15, 2025 (HOL) - Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku dooranayaan xubnaha Soomaaliya ku metalaya Baarlamaanka Bulshada Afrika (EAC).
Doorashada xubnahaan ayaa imaaneysa, iyadoo dhawaan Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay dalalka ku bahoobay Daladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), kadib dadaalo dheeraad ah oo ay sameysay dowladda Soomaaliya.
Mudanayaasha labada gole ayaa u codeyn doona musharrixiinta is diiwaan gelisay ee doonaya inay ku biiraan Baarlamaanka Dalladda Bulshada Afrika, waxayna ku kala bixi doonaan codaynta labada Gole.
Xubnaha u sharaxan ka mid noqoshada Baarlamaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika ee doonaya iney buuxiyaan 9 kursi oo ay Soomaaliya ku yeelan doonto Baarlamaanka EAC ayaa saacadahii lasoo dhaafay wado abaabulo la xariira xod xodashada xildhibaanada, si uu mid walba ugu guuleysto hadafkiisa.
Haddii doorashadaan maanta qabsoonto Soomaaliya ayaa ku guuleysaneyso inay buuxiso kuraasta xildhibaanada ee laga rabay, taasoo kordhin doonto tirada xubnaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika oo noqon doonta 82 xildhibaan.
Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Dalalada Bariga Afrika si rasmi ah u ansixiyeen madaxda ku bahoobay bishii November ee sanadkii la soo dhaaafay, waxaana tan iyo waqtigaas wixii ka dambeeyay Soomaaliya si weyn uga qayb qaadata dhaqdhaqaaqa urur goboleedkan, iyadko dhawaan marti gelisay shirweynaha EACCON 2025) oo Muqdisho ka dhacay oo ay kaas oo ay ka qayb galeen in ka badan 350 ergo oo ka kala socota dalalka ku mideysan Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).