Arbaco, October 15, 2025 (HOL) - 10 askari oo ka tirsan Ciidanka amniga Puntland ayaa ku geeriyooday, halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen qarax lagula eegtay waddada Daraymadoobe, oo u dhaxaysa Qurac iyo Gaatir-Oodan ee ku teedsan togga Jeceel.
Askartan qaraxa lala beegsaday ayaa ka tirsanaa Guuto Saddexaad ee ciidanka Daraawiishta Puntland, waxayna geeriyoodeen iyagoo ku wajahnaa howlgal ka dhan ah Daacish oo ka socda Togga Baallade.
Qaraxyada lagula beegsado ciidanka ammaanka Puntland deegaannadii hore loo xoreeyay Daacish, ayaa caqabad weyn ku noqday howlgalka lagu ciribtirayo Daacish ee ka socda gobolka Bari.
Puntland waxay ku wayday qaraxyadan ciidamo iyo saraakiil safka hore kaga jiray dagaalka, kuwaasoo uu ka mid ahaa Taliyihii Guuto Labaad ahna taliyihii Howlgalinta Ciidanka Calmiskaad, Gen. Cabdi Cali Qalyare.
Dhawaan, waxaa lagu eedeeyay qaar ka mid ah dadka reer miyiga ah inay si dhow ula shaqeynayeen Daacish, iyagoo u fududeeya qaraxyada lala beegsado ciidanka. Tiro kamid ah dadkaas ayaa hadda ku xiran magaalada Boosaaso.
Dhinaca kale, Ciidamada Difaaca Puntland ayaa saakay hawlgal qorshaysan ku qaaday ceelasha Al Barako iyo Shinkaalooyin ee Togga Baallade, halkaasoo lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsan Daacish.