10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 15, 2025
Qarax khasaare kala duwan geystay oo maanta ka dhacay magaalada Baledweyne
 

Arbaco, October 15, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooganaa oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Baledweyne, kasoo ka dhacay barqanimadii maanta xaafada Buundoweyn ee magaaladaas.

Qaraxaan ayaa ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala xaafada Buundoweyn, gaar ahaan laanta Isbartiibo waxaana halka uu qaraxa ka dhacay fariisan jireen inta badan askar ka tirsan ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Inta la xaqiijiyay qaraxaan waxaa ku dhintay sadax ruux midi haweeney tahay, waxayna hayeen dhamaantood dad shacab ah oo goobta ku sugna, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ilaa afar ruux oo kale oo iyagana shacab ah.

Wali si rasmi ah looma oga nooca uu yahay qaraxaan ka dhacay goobta maqaaxida, mana jirin askar ku sugneyd goobta xiliga uu qaraxaani dhacaayay, kasoo loo maleynayo mid meesha lagu sii diyaariyay.

Qaraxyada noocaan oo kale ah waxaa inta badan fuliya kooxda Al-shabaab, hayeeshee wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan masuuliyada qaraxaan khasaaraha kala duwan geystay ee maanta ka dhacay magaalada Baledweyne. 

Ma jirto wax war ah oo kasoo dhanka laamaha amaanka degmada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku aadan ku aadan qaraxaan sababay dhimashada iyo dhaawaca dadka shacabka ah.