Arbaco, October 15, 2025 (HOL) - Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa sheegay in 49% shacabka Soomaaliyeed aysan helin wax koronto ah, taas oo tilmaamaysa baahida weyn ee dalka ka jirta dhanka tamarta.
Hadalkaan ayuu ka jeediyay furitaanka rasmiga ah ee Shirweynaha Tamarta Soomaaliya ee BGS25, kaas oo maanta si rasmi ah looga daah-furay caasimadda Muqdisho, Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo kaalinta uu ciyaarayo ganacsiga gaarka loo leeyahay si loo hormariyo helitaanka koronto ku filan oo tayo leh.
"Waqtigan xaadirka ah, celcelis ahaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay helaan qiyaastii lix saacadood oo koronto ah maalintii," ayuu yiri Wasiir Bidhaan, isaga oo xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in kor loo qaado helitaanka koronto la isku halleyn karo oo laga dhaxlo ilo tamar waara oo dib loo cusboonaysiin karo sida cadceedda iyo dabaysha.
Shirweynahan oo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiin, khubaro iyo ganacsato, ayaa diiradda saaraya sidii loo horumarin lahaa nidaamka tamarta dalka, iyada oo la dhiirrigelinayo maalgeshiga gaarka loo leeyahay iyo iskaashiga caalamiga ah.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku booriyay ganacsatada iyo hay’adaha caalamiga ah inay ka qayb qaataan dadaallada lagu ballaarinayo adeegyada korontada si loo gaaro himilada horumarka tamarta Soomaaliya.