Arbaco, October 15, 2025 (HOL) - Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah dib ugu furay saddex waddo oo muhiim ah oo muddo xiranayd sababo la xiriira arrimaha amniga, Waddooyinkan, oo si weyn muhiim ugu ah isu-socodka caasimadda, ayaa qeyb ka ah mashruuca Dowladda Hoose ee lagu dardargelinayo dhaq-dhaqaaqa bulshada iyo gaadiidka magaalada Muqdisho.
Waddooyinka dib loo furay ayaa kala ah, Waddada ka baxda Barta Hubinta ee Garoonka Aadan Cadde ilaa xaafadda Tiitiinley, degmada Wadajir, Waddada ka baxda isla KM4 oo marta buundada Waaberi, Waddada Beexaani oo isku xirta Isgoyska Sanca iyo Istaadiyaha Injineer Yariisow.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Taliyaha Nabad-sugidda ee Gobolka Banaadir Liibaan Aadan, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi, iyo xubno kale oo ka tirsan hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka.
Muungaab ayaa sheegay in mashruucan uu calaamad u yahay dib-u-dhiska kalsoonida bulshada iyo xasiloonida magaalada, isla markaana uu qeyb ka yahay qorshaha ballaaran ee lagu horumarinayo isu-socodka shacabka, korna loogu qaadayo dhaqaalaha magaalada.
“Dib-u-furista waddooyinkan waa guul u soo hoyatay shacabka iyo ciidamada amniga, Waxaa ay caddeyn u tahay in Muqdisho ay si tartiib tartiib ah uga xoroobeyso hanjabaadaha kooxaha Al shabaab ah ee isku dayaya inay carqaladeeyaan nolosha dadkeena,” ayuu yiri Muungaab.
Mashruucan dib-u-furista waddooyinka ayaa qorshihiisu yahay in la furo illaa 52 waddo oo muhiim u ah isu-socodka magaalada, si loo yareeyo ciriiriga, loo dedejiyo adeegyada, loona kobciyo dhaqaalaha.