Arbaco, October 15, 2025 (HOL) - Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cali Maxamed Cumar, Cali Balcad ayaa maanta heshiis is afgarad oo rasmi ah la saxiixday Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee dalka Azerbaijan Samir Sharifov.
Heshiiskaan ay wada gaareen Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa ah mid la xariira in muwaadiniinta wata baasaboorada Diblumaasiga ah ee labada dal inaan looga baahneyn fiiso ama dal ku gal marka ay u kala safarayaan labada dal.
Munaasabada saxiixa heshiiskan oo ka dhacday magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xamse Aadan Xaadoow iyo Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Uganda Fardowsa Maxamed Qanyare.
Labada Wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka Diblumaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan, kaasoo ahaa sanadihii u dambeeyay mid si wey u soo kobcayay.
"Heshiiskan cusub waxa uu ka tarjumayaa dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto dib u soo celinta sumcadda iyo saameynteeda diblumaasiyadeed ee caalamka, isagoo calaamad u ah ballaarinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee heshiiskaan ayaa kusoo imaanaya, iyadoo dowladda Soomaaliya sanadahii dambe ay si weyn dib ugu soo ceshaneysay sumacadii ay ku lahayd fagaarayaasha Caalamka.