10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 16, 2025
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
 

Khamiis, October 16, 2025 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Philippi oo ka mid ah deegaanada hoostagta magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay halkaas lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed. 

Allah u naxariiste marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Shool Maxamed Cadde, kaasoo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee sida weyn looga garanaayay deegaanka Philippi dalkaasi Koonfur Afrika.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay gudaha goobtiisa ganacsi uu ku lahaa deegaanka Philippi, waxaana dilka geystay burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas, kuwaas oo horay u sii qaatay lacagaha uu u shaqeeyay muwaadinka iyo agab kale oo fudud.

Burcada dilka fulisay ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta, waxaana saacado kadib dilkiisa gaaray goobta ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo sameeyay baaritaan kooban oo aysan ka soo bixin wax matiijo ah.

Si kastaba ha ahaate marka la gaaro bilaha dhamaadka sanadka waxaa dalka Koonfur Afrika si weyn u siyaada dilka, dhawaaca iyo dhaca loogu geysto deegaanada dalkaas muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqo tagay, mana jirto cid wax ka qabaneysa dhibaatooyinka loo geysto.