Khamiis, October 16, 2025 (HOL) - Jarmalka ayaa soo saaray digniin safar oo ku socota muwaadiniintiisa sugan ama u safraya dalka Kenya, isagoo uga digay khatar sii kordheysa oo la xiriirta weerarrada argagixisada, gaar ahaan meelaha dadku ku badan yihiin sida hoteellada, suuqyada waaweyn, iyo goobaha gaadiidka dadweynaha.
Digniintan ayaa lagu sheegay in gobollada ku dhow xadka Soomaaliya sida Lamu ay yihiin meelaha ugu halista badan, maaddaama ay ka jiraan kooxo argagixiso.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarnalka ayaa tiri,“Waxaa jira khatar sii kordheysa oo weerarro argagixiso ka dhaca Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay weerarro ka gaysan doonto Kenya, si ay uga aarguddo ka qaybgalka ciidanka Kenya ee howlgalka AUSSOM.
Waxa kale oo lagu daray in weerarro hore u dhacay iyo kuwo la fashiliyey ay muujinayaan sida ay argagixisadu ugu go’an tahay weerarro kale. Goobaha halista ugu badan waxaa lagu sheegay, dhismayaasha dowladda, hoteellada, baararka iyo maqaayadaha, suuqyada waaweyn, kaniisado, gaadiidka dadweynaha sida basaska, doonida, garoomada diyaaradaha, iyo goobaha kale ee dadku ku badan yihiin.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka waxay magacowday dhowr gobol oo dalka Kenya ah oo ay ku jiraan Baringo, Laikipia, Samburu, Turkana, iyo West Pokot, kuwaas oo aan ammaan ahayn in la aado.
Waxay si adag uga digay in la safro meel kasta oo 100 km u jirta xadka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Lamu, iyo safarro aan muhiim ahayn oo loo tago jasiiradaha Lamu iyo Manda.
Muwaadiniinta Jarmalka ayaa lagu boorriyay inay isticmaalaan duulimaadyada hawada marka ay u safarayaan Lamu Archipelago.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in dadka Jarmalka ee ku sugan ama u socda gobollada xeebaha, gaar ahaan meelaha fog, ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, maaddaama ay jirto khatar afduub iyo weerarro.