Khamiis, October 2, 2025 (HOL) - Heshiis qarsoodi ah oo ay wada galeen Dowladaha Sweden iyo Soomaaliya ayaa sababay khilaaf xooggan oo dhexmaray hay’adaha dowladda Sweden iyo sidoo kale labada dal.
Baaritaan uu sameeyay Raadiyaha Sweden ayaa sheegay in khilaafkaasi ugu dambeyn ku dhammaaday markii Soomaaliya ay dalka ka masaafurisay madaxa gargaarka Sweden ee Muqdisho.
Heshiiskan qarsoodiga ah ayaa dhigayay in Sweden ay Soomaaliya ku taageerto lacag gargaar ah oo lagu maalgeliyo mashruuc ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, taas beddelkeedana Soomaaliya ay aqbasho in dib loogu soo celiyo muwaadiniinta ay Sweden doonayso inay masaafuriso.
Tan iyo markaas, musaafurinta Soomaalida laga celinayo Iswiidhan ayaa kor u kacday, iyadoo tirakoobka boolisku muujinayo in 28 qof si qasab ah dib loogu celiyey Soomaaliya sannadkii hore.
Wasiirka iskaashiga horumarinta caalamiga ah ee Sweden, Benjamin Dousa, ayaa sheegay in hay’adda Sida iyo safaaraduhu ay mas’uul ka yihiin fulinta mashaariicda gargaarka. Sida ayaa dhankeeda sheegtay in dowladda Sweden ay go’aamisay in mashruucan lagu bixiyo iyada oo loo sii marayo UNDP, hay’aduna ay ku andacootay in mashruucu waafaqayo shuruudaha caadiga ah.
Haddii ay run tahay in dowladda Sweden ay heshiis qarsoodi ah la gashay dowladda Soomaaliya, arrintaasi waa mid aad u culus oo argagax leh, ayey tiri afhayeenka siyaasadda arrimaha dibadda ee xisbiga Center Party, Anna Lasses, oo la hadleysay SVT.
Raadiyaha Sweden ayaa sheegay inay isku dayeen inay faallo ka helaan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, balse aanay helin wax jawaab ah.