10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 2 , 2025
Booliiska Muqdisho oo gacanta kusoo dhigay askari ku eedeysan dhac iyo dhaawac
 

Khamiis, October 2, 2025 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala saldhiga degmada Garasbaaley ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo askari ku eedeysan dhac iyo dhaawac uu u geystay muwaadin Soomaaliyeed. 

Askariga ciidanka gacanta kusoo dhigeen ayaa lagu magacaaba Dable Ibraahin Xasan Nuur Cabdi, kaasoo la sheegay inuu si bareer ah rasaas ugu furay muwaadinka  Soomaaliyeed oo uu u geysanaayay dhaca.

War ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in eedeysanaha hada lagu hayo xabsiga, islamarkaana loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo.

Booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu bulshada ugu baaqay iney si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, una soo gudbiyaan cid kasta oo ku hawlan falal burcadnimo ama qalqal galineysa  xasiloonida magaalada Muqdisho.

Talaabadaan uu xabsiga kusoo dhigeen Booliiska degmada Garasbaaley askarigan ku eedeysan dhaawaca iyo dhaca ayaa kusoo aadeysa, iyadoo ciidamada amniga ee Caasimadda Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay howlgalo ka waden Muqdisho iyo duleedkeeda.