Khamiis, October 2, 2025 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu dambayn uu “soo taabtay gidaarka,” kaddib muddo dheer oo ay digniin ka bixinaysay jihada siyaasadeed ee uu dalku ku socday saddexdii sano ee ugu dambeysay.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa ku tilmaamay arrin guul ah in Madaxweyne Xasan Sheikh uu dib ugu soo noqdo wadahadalladii Puntland ay ku baaqaysay, isaga oo xusay in laga sugayo Madaxweynuhu si rasmi ah ugu dhawaaqo ka laabashada wax ka beddelka dastuurka.
“Puntland waxay mar kasta ku adkaysanaysay nabad Soomaaliyeed, wadahadal iyo siyaasad loo dhan yahay. Waxayna ahayd cidda kaliya ee difaacaysay dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa ee difaacayay nidaamka federaalka,” ayuu yiri Wasiirka.
Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay diyaar u tahay wadahadal kasta oo loo dhan yahay, isla markaana dib loogu noqdo dastuurka heshiiska lagu ahaa, si kalsooni loogu dhiso geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka, ayna meesha uga baxdo in cid gaar ahi jeebka wax ku wadato.
Hadalka Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa kusoo beegmaya iyadoo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya dhawaan shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la furo dhinacyada kasoo horjeeda dowladdiisa, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland.