Jimco, October 3, 2025 (HOL) - Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin oo loo yaqaan "Macalim Mahdi", ayaa digniin culus u diray ciidamada ammaanka, isagoo uga digay inaysan hubkooda ku wareejin shacabka, gaar ahaan dhalinyarada fiidyowyada ku faafiya baraha bulshada.
Macalim Mahdi ayaa carabka ku adkeeyay in askari kasta oo ku kacay falkaas la horkeeni doono maxkamad, isla markaana uu wajahayo cawaaqib sharci ah, Wuxuu sheegay in falalka noocaas ahi ay horseedi karaan amni xumo iyo mas’uuliyad darro.
"Boolisku wuxuu si cad uga digayaa dhammaan saraakiisha inay hubkooda siiyaan shacabka, Sidoo kale, shacabka waa ka mamnuuc in ay helaan ama ku ciyaaraan hubka, Fiidyowyada khatarta ku ah amniga bulshada looma oggola in la duubo, Cid kasta oo lagu helo falkaas waxay la kulmi doontaa tallaabo sharci ah oo adag," ayuu yiri Mahdi.
Digniintan ayaa timid ka dib markii Taliska Booliska Banaadir ay xireen askari hubkiisa siiyay dhalinyaro ku sugnaa Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho, kuwaas oo duubay fiidyowyo lagu faafiyay baraha bulshada, Dhacdadaas ayaa sidoo kale sababtay in la xiro muwaadin rayid ah.
Hay’adaha ammaanka caasimadda ayaa toddobaadkan xiray dhalinyaro dhowr ah, iyagoo ku eedeeyay in ay wadeen falal khatar gelin kara ammaanka Garoonka Muqdisho, Howlgalladan ayaa bilaabmay Jimcihii lasoo dhaafay xilli ay socotay tartan kubadda cagta ah oo u dhexeeyay degmooyinka gobolka Banaadir.