Sabti, October 4, 2025 (HOL) - Waxaa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa in dib loo furo qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ee mudada dheer u xirnaa sababao amni dartood, kuwaas oo muhiim u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Wararka ayaa sheegaya in la furi doono dhowr wado oo muhiim ah oo ku yaalla degmooyinka bartamaha iyo waqooyiga Caasimadda Muqdisho, kuwaas oo hore loogu xiray dhagxaan waa weyn.
Furitaanka wadooyinkan ayaa lagu wadaa in ay si wadajir ah uga qeyb galaan Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.
Talaabadaan lagu wado in maanta dib loogu furo qaar ka mid ah wadooyinka xirna ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxaan Alcadaala.
"Muqdisho waxeey Maanta u tahay Maalin ay tirayso qayb ka mid ah calaamadihii cabsida ka dib markii Dawladdu sugtay Amnigeeda, alle ayaa ku mahadsan" ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Alcadaala.
Si kastaba ha ahaate qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir ku doonayaan iney kaga jawaabaan cabashooyinka shacabka ee ku aadanaa xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho ee saameynta adag ku reebay isku socodka guud ee dadka iyo gaadiidka.
Talaabadaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dowladda ay sheegtay in amniga guud ee Caasimadda uu si weyn u soo hagaagay, islamarkaana taasi ay suurta gelisay in dowladda ay qaado talaabadaan dib loogu furayo qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah.