Sabti, October 4, 2025 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM, gaar ahaan kuwa dalka Uganda ayaa maanta u suuragashay iney si buuxdo ula wareegaan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Howlgalkaan ciidamada is kaashanaya kula wareegaan Awdheegle oo loogu magac daray Duufaanta Aamusan ayaa maalmahii lasoo djaafay ka socday deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.
War kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ku guulaysteen in ay si buuxda u qabsadaan Awdheegle, islamarkaana haatan ay ka wadaan gudaha degmadaas howlgallo baaris ah.
"Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah hawlgalka AUSSOM ayaa saaka gudaha u galay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo sii wada howlgalka qorshaysan ee “Duufaanta Aamusan” ee lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Howlgalkan maanta ciidanku ku qabsadeen degmada Awdheegle ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ciidamadu kooxda Al-shabaab kala wareegeen deegaano badan oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.