10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2025
Soomaaliya oo Ka Gaabsatay Qodobo Ka Mid ah Axdi Afrika ee Xuquuqda Carruurta, Iyadoo Tixraacaysa Shareecada Islaamka
 

Sabti, October 4, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in aysan si buuxda u oggolaanin qodobo ka mid ah "Axdi Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta", kaddib markii ay si dhow u eegtay qodobbada heshiiskaas, gaar ahaan kuwa aan la jaanqaadi karin Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.

Warqad rasmi ah oo xambaarsan lambar tixraaceed XRW/0877/11/2024 kuna taariikheysan 30/11/2024, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka gaabsatay shan qodob oo kamid ah heshiiska, Qodobadaasi waxay taabanayaan arrimo ay ka mid yihiin, Qeexidda Da’da Carruurta, Soomaaliya waxay ka hor timid qodob qeexaya in carruurtu yihiin dhammaan dadka ka yar 18 sano, taasoo loo arkey mid aan waafaqsaneyn Shareecada Islaamka sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul insaanka.

Wasaaradda ayaa Sidoo ka gaabsatay Xorriyadda Fikirka iyo Diinta, waxaana ay diiday in carruurtu ay si xor ah u doortaan diinta ay rabaan, iyadoo xustay in diinta Islaamku aysan ogolayn arrintaas.

Mida Ilaalinta Nololsha Gaarka ah, waxaa Qodobkaasi si gaar ah u ilaalinayaa xogta iyo xiriirada carruurta, taas oo Dowladda Soomaaliya ay ka muujisay walaac, iyadoo sheegtay in ay hor istaagi karto masuuliyadda waalidiinta.

Qodobada kale waxaa kamid ah Guurka Carruurta waxaana Soomaaliya ay diiday qodob mamnuucaya guurka dadka ka yar 18 sano, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay si toos ah uga hor-imanayso Shareecada Islaamka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ka biyo-diiday qodob ogolaanaya korsashada carruur aan la dhalin, iyadoo ku saleysay khilaaf la xiriira shareecada Islaamka.

Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay in go'aankan uusan ahayn mid ku saleysan nacayb ama diidmo guud ee heshiiska, balse uu yahay mid lagu dhowrayo diinta Islaamka, dastuurka dalka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.