10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2025
Muqdisho: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Daahfuray Qorshaha Furista 52 Waddo oo 15 sano xirnaa
 

Sabti, October 4, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay qorshaha dib loogu furayo 52 waddo oo muhiim ah oo muddo 15 sano ah u xirnaa sababo la xiriira amniga caasimadda.

Munaasabadda daahfurka ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, halkaas oo Ra’iisul Wasaaruhu uu kaga dhawaaqay in furitaanka waddooyinkani uu yahay mid ka dhashay isbeddelka amni ee la taaban karo ee laga sameeyay caasimadda, taas oo meesha ka saartay baahidii loo qabi jiray xirnaanshaha waddooyinka.

“Duruuf adag ayaa nagu qasabtay in aan xirno waddooyinkaan 15-kii sano ee la soo dhaafay. Laakiin mushkiladda dhabta ah laguma xallin karo jid xiran, Waa in aan si toos ah ula dagaallanaa argagixisada oo aan ka xoreynaa dalka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa, isaga oo si cad u muujiyey in furitaanka waddooyinku uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo kalsoonida shacabka iyo dowladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Xukuumadiisu ay dadaal xooggan gelisay sugidda amniga, iyadoo la hirgeliyay sharciyo iyo tallaabooyin cusub oo looga hortagayo khatarta argagixisada, gaar ahaan kuwa la xiriira isticmaalka hubka culus iyo waxyaabaha qarxa.

“Amniga caasimaddu waa mas’uuliyad wadareed, waana in shacabka, maamulka iyo hay’adaha amniga ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugiddiisa,” ayuu yiri raaciyay hadalkiisa Ra’iisul Wasaaruhu, isaga oo u mahadceliyay ciidamada amniga, maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Muqdisho doorkooda muuqda ee ka qayb qaadashada amni sugidda.

Waddooyinka dib loo furay ayaa la filayaa in ay si weyn u fududeeyaan isku socodka dadka iyo gaadiidka, islamarkaana ay kor u qaadaan dhaqaalaha iyo isku xirka bulshada ee caasimadda Muqdisho.