10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2025
Weerar qarax ku bilaawday oo lagu qaaday Godka Jilicow oo ah xarunta NISA ee gobolka Banaadir
 

Sabti, October 4, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa laga helaya weerar culus oo ku bilaawday qarax Ismiidaamin oo lagu qaaday Godka Jilicow oo ku yaala degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Goobta weerarka lagu qaaday ee Godka Jilicow loo yaqaano ayaa ah goob ay maamusho Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA, taasoo ka mid ah goobaha sida weyn loo ilaaliyo amnigooda.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan agagaarka Godka Jilicoe ayaa sheegay in weerarka ku bilowday qaraxa uu xigay  rasaas toos ah oo is dhaafsadeen ciidamada amaanka iyo kooxda weerarka ku qaaday.

Qaraxan Ismiidaaminta ah ayaa dhacay saacado kooban kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay sugtay amniga Caasimadda, islamarkaana ay qaaday jidgooyooyin dhagxaan ku xirnayeen sanado badan sababo la xariira dhanka amniga.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka, hayeeshe wararka hordhaca ah waxay sheegayaan  inay jiraan khasaare ka dhashay weerarka, waxaana adag in si dhab ah loo ogaado khasaaraha rasmiga ah, maadama ciidamada amaanka ay xireen wadooyin dhowr ah oo ku dhow goobta uu qaraxu ka dhacay.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.