10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 4 , 2025
Faahfaahin ku saabsan Dabley katirsan Alshabaab oo weli ka dagaalamaya Godka Jilacow
 

Sabti, October 4, 2025 (HOL) - Ciidamada dowladda Federaalka ayaa ku jira howlgal ay ku doonayaan inay kusoo afjaraan koox ka tirsan Alshabaab oo weli ka dhex dagaalamaya Godka Jilacow oo ah xabsi ay si gaar ah amnigiisa gacanta ugu haysay hay’adda NISA.

Rasaas culus ayaa illaa haatan laga maqlayaa gudaha Godka Jilacow, taasoo muujinaysa in dagaalamayaasha Alshabaab ay weli nool yihiin, iska caabinna ay kula jiraan ciidanka Dowladda oo dadaal xooggan ugu jira inay dilaan xubnaha Alshabaab ee weli gudaha ku jira.

Xubnaha Alshabaab oo gudaha u galay godka Jilacow oo ahaa siddeed qof oo aad u hubaysnaa ayaa lagu guulaystay in badi la dilo, laakiin kuwa weli nool oo la sheegay inay isticmaalayaan bombooyin iyo hubka fudud ayaa illaa iyo haatan iska caabinaya ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Weerarka Godka Jilacow waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inkastoo aan weli xaqiijin tirada khasaaraha, haddana dadka ay waxyeeladu soo gaartay ayaa isugu jira ciidamada dowladda iyo dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu ka dhacay qaraxa koowaad.

Afar saac ka hor war kooban oo dowladda Soomaaliya kasoo baxay waxaa lagu sheegay in ciidanka dowladdu uu ku jiro howlgal sifayn ah. Waxay dowladdu xaqiijisay in qaar ka mid ah kooxdii weerartay Godka Jilacow la toogtay, iyadoo intaas ku dartay in haatan  uu socdo howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo kooxdan.

Alshabaab ayaa markii ay gudaha u galeen xabsiga waxay oodda ka qaadeen maxaabiis halkaas ku xirnaa, kuwaas oo markii dambe la arkayay iyadoo ciidanka dowladda ay soo qabteen, inkastoo aan la ogayn in ay jiraan maxaabiis baxsaday.

Godka Jilacow oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ugu amniga adag magaalada Muqdisho. Horey uma dhicin in Shabaabku gudaha u galaan xaruntan. Weerarkii maanta dhacay, Alshabaab waxay sameeyeen farsamo aan laga shakin. Waxay isku soo ekaysiiiyeen ciidanka NISA, iyagoo soo qaatay gaari ciidan ah oo u muuqaal ekaa kuwa ciidanka NISA.

Wixii faahfaahin kula socda wararkeenna soo socda.