Axad, October 5, 2025 (HOL) - Ururada caalamiga ah ee u dooda xuquuqda carruurta, sida Save the Children, ayaa soo dhaweeyay ansixinta Soomaaliya ee Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta.
Ansixintan dhawaan waxaa sameeyay Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay calaamad u tahay horumar muhiim ah oo ku saabsan ballanqaadka dalka ee ilaalinta xuquuqda carruurta.
Urururada caalamiga ah ee soo dhoweeyay ansixinta xeerkaan ayaa sheegay, in tallaabadan ay Soomaaliya ku soo dhoweynayso isku waafajinta sharcigeeda gudaha iyo heerarka qaaradeed ee daryeelka carruurta.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku dheeli tirayaso waajibaadka caalamiga ah iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo qodobbada dastuurka dalka.
Kadib ansixinta baarlamaanka, Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa soo saartay bayaan ay ku muujinayso mowqifka Soomaaliya ee axdiga. Wasaaraddu waxay ku celisay in dalka ka go’an yahay ilaalinta xuquuqda carruurta, balse ay adkaysay in dastuurka iyo shareecada Islaamku yihiin ilaha ugu sarreeya ee hagaya fasiraadda iyo hirgelinta.
Bayaanku wuxuu si cad u sheegay in qodobo ka mid ah axdiga ay khilaafsan yihiin diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed, sidaas darteedna aan la hirgelin doonin haddii ay ka hor imaanayaan shareecada.
Qodobada ay Soomaaliya diiday:Qodobka 9 (xorriyadda diinta) ayaa si cad loo diiday, iyadoo carruurta Soomaaliyeed loo aqoonsaday inay yihiin Muslimiin, dastuurkana aanu aqoonsan doonin xuquuqda lagu beddelo diinta.
Qodobka 10 (xuquuqda gaarka ah ee ilmaha) waxaa ka horeeya awoodda waalidka, iyadoo sharciyo dibadeed aysan burin karin nidaamka iyo caadada gudaha.
Qodobka 21a (da’da guurka ugu yar) lama raacin, waxaana doorbiday xeerka Islaamka oo ku salaysan biseylka diimeed halkii laga xisaabin lahaa sannado.
Qodobka 24a (dhalashada sharciyaysan/adoption) lama aqoonsana, iyadoo Soomaaliya taageersan tahay
kafaalidda Islaamka.
Qodobka 2a (qaan-gaarnimada 18 jir) lama khuseeyo, waxaana la adeegsanayaa qeexida Islaamka ee qaan-gaarnimada.