10/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 5 , 2025
Ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM oo howgal miino baaris ah ka sameeyay degmada Awdheegle

Axad, October 5, 2025 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dowladda Uganda ee qeybta ah howlgalka AUSSOM ayaa maanta howlgal miino baaris ah ka sameeyay gudaha magaalada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamada ayaa wadooyinka magaalada iyo daafaheeda ka baaraya miinoyin la sheegay in kooxda Al-shabaab ku aaseen, kadib markii ciidamadaan iskaashanaya ay Shalay si buuxdo ula wareegeen magaaladan.

"Hawlgalka ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa in la baabi’iyo dhamaan wax yaabaha qarxa ee khatar ku ah nolosha shacabka iyo Ciidamada, si bulshada deegaanka ay ugu laabtaan guryahooda si nabad ah" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo inta badan kooxda Al-shabaab deegaanada laga saaro ay ku aasaan miinooyin tira badan, kuwaas oo marar kala duwan wax yeelo dhimahso iyo dhaawacba leh ay kasoo gaartay dad shacab ah.

Ugu dambeyntii ciidanka xoogga dalka iyo kuwa kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM ayaa maalmahii lasoo dhaafay howlgal loogu magac daray duufaanta aamusan ka waday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.